GUDAHA/wararka

WFP: Malaayiin Yemeniyiin ah oo ka barakacay colaadda Dalkooda waxa ay wajahayaan Gaajo iyo biyo la’aan  

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta ee WFP ayaa Warbixin ay kasoo saartay xaaladda qoysaska ku barakacay gudaha Yemen waxa ay ku sheegtay in malaayiin qof ay wajahayaan Cunno iyo biyo la’aan.

WFP ayaa sheegtay in dadkaan oo kasoo barakacay magaalooyin kala duwan in ay hadda ku nool yihiin Duleedka Cadan iyo Tacis, waxaana ay xustay in ay deggen yihiin guryo ka samaysan teendhooyin iyo baco ay ku dhiseen qoryo aan xoog badnayn.

Qiyaastii 10 Milyan oo kamid ah Dadkaas waxa ay ka barakaceen dhulka ay maamusho Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Yemen, halka 90% dadka kale ay kasoo baxeen deegaannada ay gacanta ku dhigeen Kooxaha Xuutiga ah.

Dagaalka Sokeeye ee Yemen balse dhinacyada is haya ay la kala safan yihiin awooddo dibadda ah ayaa horseeday colaad saamaysay qoysas badan oo qaarkood markii ay u adkaysan waayeen hubka la isu adeegsanayo ku qasbanaaday in ay dalkaas isaga tagaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hadda ay diiradda saarayso u gurmashada 1.5 Milyan oo qof oo u baahan in si degdeg ah loo siiyo Cunno iyo biyo iyada oo laga fakirayo saamaynta dambe ee xaaladdaas ka dhallan karta sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxaa ka soo baxay shirka Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretariya?

Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretariya oo kulan saacado qaatay ku yeeshay magaalada El Alamein…

2 hours ago

Mareykanka oo ka digay xiisadda Itoobiya iyo Eritrea

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea,…

11 hours ago

Taliyaha Booliiska Mudug oo shaqada looga joojiyay Maxaabiis Burcad Badeed ah oo baxsatay 

Shaqo joojin ayaa lagu sameeyay Taliyaha Booliiska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, Gaashaanle Sare Maxamuud…

11 hours ago

Shacabka Hargeysa oo looga digay Roob daadad wata oo halkaas ka da’I kara

Maamulka Magaalada Hargaysa ayaa digniin u diray Shacabka Magaaladaas si ay uga feejignaadaan daadadka badan…

12 hours ago

Iiraan oo Maraykanka u sheegtay in uusan uga guullaysan Karin Tallaab Militari & Cunaqabatayn uu saaro Dalkeeda 

Dowladda Iiraan ayaa dhiggeeda Maraykanka dhegaha ugu shubtay war ku saabsan goodinta Maamulka Donald Trump…

12 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud “Ma aqbali doonno in Israa’iil ay joogto Soomaaliya”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan is baddelin mowqifka ka…

15 hours ago