GUDAHA/wararka

Abiy Ahmed oo dagaalka Tigray u adeegsanaya Maleeshiyaad kasoo jeeda Ismaamulkaas

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa dagaalka ka socda Waqooyiga Dalkaas gaar ahaan Ismaamulka Tigray u adeegsanaysa Maleeshiyaad hubaysan oo la magac baxay Tigray Peace Force TPF kuwaas oo la sheegay in ay horay uga tirsanaayeen Kooxda TPLF.

Kooxdaan ayaa sheegatay in dagaal lama filaan ah oo ay la gashay Kooxda TPLF oo ay horay uga tirsanayd inay ku qabsatay Dhul baaxad weyn oo Kooxdu gacanta ku haysay sida Garoonka Diyaaradaha Mekelle ee xarunta Ismaamulka Tigray.

Abiy Ahmed ayaa fursadda uu ka dhex helay Kooxda kasoo jeeda qowmiyadda Tigray waxa ay u noqotay mid muhiim ah maadaama ciidanka Federaalka aanay culays badan kala kulmi Karin deegaannada ay kooxdaas ka dagaalamayso.

Muddo waxaa hub uruursi iyo diyaarsasho ciidan ku jirtay Kooxda Tigray Peace Force oo la dhisay markii Xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF ay heshiiska ku gaareen Dalka Koofur Afrika kaas oo loogu magac daray Pretoria 2022.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dareemaya culayska gudaha ah iyo kan dibadda ayaa qaaday tallaabooyin uu ku kala furfurayo jabhadaha ka jira dalkiisa isaga oo billaabay in uu cilaaqaad la yeesho saraakiil kasoo jeedda Ismaamullada kooxahaas ay ka jiraan.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxda TPLF oo ku saabsan guusha ay sheegatay Kooxda kale ee TPF oo ah in ay qabsatay Garoonka Diyaaradaha ee Mekelle oo todobaadkii tagay ay isla kooxdaas ka qabsatay ciidanka Federaalka oo muddo dheer gacanta ku hayay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxaa ka soo baxay shirka Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretariya?

Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretariya oo kulan saacado qaatay ku yeeshay magaalada El Alamein…

2 hours ago

Mareykanka oo ka digay xiisadda Itoobiya iyo Eritrea

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea,…

11 hours ago

Taliyaha Booliiska Mudug oo shaqada looga joojiyay Maxaabiis Burcad Badeed ah oo baxsatay 

Shaqo joojin ayaa lagu sameeyay Taliyaha Booliiska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, Gaashaanle Sare Maxamuud…

11 hours ago

Shacabka Hargeysa oo looga digay Roob daadad wata oo halkaas ka da’I kara

Maamulka Magaalada Hargaysa ayaa digniin u diray Shacabka Magaaladaas si ay uga feejignaadaan daadadka badan…

12 hours ago

Iiraan oo Maraykanka u sheegtay in uusan uga guullaysan Karin Tallaab Militari & Cunaqabatayn uu saaro Dalkeeda 

Dowladda Iiraan ayaa dhiggeeda Maraykanka dhegaha ugu shubtay war ku saabsan goodinta Maamulka Donald Trump…

12 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud “Ma aqbali doonno in Israa’iil ay joogto Soomaaliya”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan is baddelin mowqifka ka…

15 hours ago