Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti “Marnaba ma go’i doono Xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay Wadahadalada u socda Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti si loo dhameeyo khilaafka soo kala dhexgalay labada Dowladood ayaa sheegay in Xiriirka Labada Dal uu sii ahaanayo mid aan go’in.

War kooban oo uu kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti waxa uu ku sheegay in Xiriirka Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ee ku dhisan Walaaltinimada in uu fog yahay.

Sidaa awgeedna uu sii ahaan doono Mid Xooggan oo aan ku burburin si fudud, uuna rajeynayo in la dhameyn doono Madmadowga yar ee soo kala dhexgalay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo Jabuuti, wada hadalka iyo la tashiga uu la leeyahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu dib u xaqiijin doono adkeynta xiriirka labada dal.

Wasiir Maxamuud waxa uu qiray in xaaladihii adkaa iyo mad-madowgii galay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti uu hadda soo dhamaanayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal ku tagay Magaalada Asmara 28-kii July, waxaana socdaalkaas ka carooday Dowladda Jabuuti, maadaama Xiriirka kala dhaxeeyo Eretareeya aan wanaagsaneen.

Wafdi ka socda Dowladda Eretareeya ayaa todobaadkaan yimid Magaalada Muqdisho, dhowr cishe ayay hoydeen Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay Madaxda Dowladda Federalka.

Waxaa xigay Safarka Madaxweyne Farmaajo uu shalay ku tagay Dalka Jabuuti si uu ula kulmo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, si uu ugala hadlayo Waan Waan Dowladda Federaalka ay dhexdhigto Dowladaha Jabuuti iyo Eretareeya iyo in meesha laga saaro Madmadowga soo kala dhexgalay Xiriirka Xukuumadaha Muqdisho iyo Jabuuti.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

6 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

9 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

11 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

12 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

12 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

13 hours ago