GUDAHA/wararka

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga: “AMISOM Sharci uma heysato la socodka dhaqdhaqaqa Ciidanka”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka hadlay Munasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka falceliyay fariin Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika uu Askarta AMISOM ku faray la socdka dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Soomaalida.

Cabdifitaax ayaa Sumcad dil ku tilmaamay go’aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas ku daray in aysan aqli doonin dalabkaas oo ay soo jeedintiisu leeyihiin Dowlado uusan sheegin.

“AU-da waxa ay soosaartay  in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha Dowladda, Madaxda & la dagaalanka Argagixisada, ma dareymeysaan in Dowladaha qaar ee deriska ah ee aan dareyneen in ciidan xooggan ay dhisato Soomaaliya in ay ka dambeeyaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim ayaa ku faanay in muddo afar sanno oo sharci ah & bilooyinka dheeraad ah oo ay jirto Dowladda waqtigeedu dhammaaday in joogto loo siiyo mushaar Askarta Dowladda Soomaaliya.

Soo jeedinta keentay in Ciidanka dhaq-dhaqaaqooda lala socda ayaa ka dhalatay Weerarkii 19-kii September 2021 lagu qaaday Hoteel ay degenayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed & Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, waxaana isla taariikhdaas Ciidanku rasaaseeyeen dibadbax ay qayb ka ahaayeen xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay oo musharixiinta katirsan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago