GUDAHA/wararka

Wasiir Axmed Fiqi “Masaajidka Hargaysa ku yaalla & Gaza waa isugu mid Israa’iil”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dhibaatooyinka Israa’iil ay badan yihiin isaga oo Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Waqooyi Galbeed ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dhagarta Yuhuudda.

Waxa uu tusaale uga dhigay in ay Dadku arki karaan Dhibaatooyinka ay ka gaysatay Dhulka Falastiin iyo Dalal kale iyada oo aanay u kala saarin Rag, Dumar, Carruur iyo Ciroole isla markaana si isku mid ah u xasuuqday.

Axmed Fiqi ayaa tilmaamay in marka la eego Israa’iil ay isu mid u yihiin Masaajidka Hargaysa ku yaalla iyo Magaalada Gaza, waxaana uu ku taliyay in laga fogaado soo dhaweysashada Yuhuudda oo khatarteedu badan tahay.

“Masaajidka Hargaysa ku yaalla & Gaza waa isugu mid Israa’iil, Dhulka lala wareegay iyo Waqooyiga waa isku mid, caqli gal ma ahan in Ninka sidaas samaynaya oo ah midkii laga fogaan lahaa in lasoo dhaweysto” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Difaaca XFS, Axmed Macallin Fiqi.

Danjire Fiqi ayaa tilmaamay in Cabdiraxmaan Cirro waqtigii Doorashada laga taageeray dhinaca Dhaqaalaha Magaalada Muqdisho maadaama uu marar badan sheegay in ay ku wayn tahay Soomaalinimada iyada oo ay diiwaanka galeen dhibaatooyinkii dhacay sanado kahor.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada…

33 mins ago

89 Xildhibaan oo ka horyimid mooshinka xilka looga qaadayo Wasiirka Caafimaadka XFS

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod kalsoonida loogu qaaday Wasiirka…

2 hours ago

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Urdun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Gobolka Karak ee Dalka…

6 hours ago

Xildhibaan Kenyaan ah oo loo xiray teleefanno lagu xaday Nairobi

Booliiska Kenya ayaa xiray Xildhibaan Cyrus Kisavi Musyoka oo kamid ah Golaha Deegaanka Kyatune oo…

6 hours ago

Aliko Dangote “Waxaan doorbidayaa in aan Xabsi galo intii la iga qaadan lahaa Teleefankayga”

Bilyaneerka reer Nigeria, Aliko Dangote ayaa sheegay in sida uu muhiimka ugu yahay Teleefankiisa gacanta…

6 hours ago

Xafiiska RW Xamsa oo hoos u dhigay Hambalyada Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug & HirShabeelle

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoos u dhigay Hambalyada doorashada Guddoonnada Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedyada…

7 hours ago