Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kulankooda kaddib soo saaray warsaxaafadeed ku aadan kulankooda.
Warsaxaafadeedyada lagu daabacay warbaahinta iyo bogagga labada Aqal ayaa u muuqday kuwa aan isku ujeeddo ahayn markii loo eego waxa looga wada hadlay kulanka labada guddoomiye, iyaga mid walba gaarkiis usoo saaray warsaxaafadeed.
“Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada aqal ee BFS gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ka shaqeyntooda, waxaana si guud kulanka diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad iyo sidoo kale sidii looga howlgeli lahaa shuruucda horutebinta u leh horumarka dowladnimadeena”. Ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.
Dhinaca kale, Aqalka sare ayaa dhankiisa soo saaray war ka duwan kan Golaha Shacabka ay ku baahisaya boogeeda rasmiga ah ayaa lagu yiri, “Guddoomiyayaasha labada Aqal ee BFS ayaa kulan maanta ku wada yeeshay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna kaga wada hadalleen dardar galinta habraaca lagu soo dooranayo xubnaha Soomaaliya ku matali doona Golaha Sharci dejinta ee bulshada bariga Afrika ( EALA), xubnahaas oo muhiim u ah inay bulshada soomaaliyeed ku matalaan dowladaha ku midaysan Bulshada Bariga Afrika.” Ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare.
Sidoo kale, waxaa intaas lagu daray in ay labada guddoomiye ka wada hadleen wax la xiriira dhammeystirka hawlaha dastuurka kumeel gaar ah.
“labada Guddoomiye waxay ka wada hadleen dardargalinta howlaha dib u eegista Dastuurka KMG. Iyadoo horey ay Labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah”. Ayaa lagu yiri, qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare.
Kulankaan ayaa imaanaya xilli maalintii sabtida Fadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu baaqday, kaddib markii uu hareeyay buuq xooggan oo ay sameeyeen qaar kamid ah xildhibaannada Golaha.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…