Categories: GUDAHA/wararka

WAREYSI: Shirka Abiye Axmed iyo DDSI ee Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ayaa maanta oo Jimco ah la kulmay Dad laga soo xulay gobolada Dowlad Deegaanka Somalida Itoobia.

Kulanka, waxa uu ka dhacayaa Magaalada Adis-Ababa, waxaana la diyaariyay ku dhowaad 1,000 Qof, Dadkan waxey isgu jiraan Madaxda DDSI, odayaasha deegaanka iyo xubnaha Ururka Dulmi-Diid oo ah urur ay ku mideysanyihiin qurbe joogta Gobolka.

Abiye oo dalbaday shirka, ayaa kulanka guud ka hor, waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafe cagjar, isagoo kala hadli doono sid aloo wjaahayo isbadalada guud ee dhacaya.

Khaliil Cabdi Samad oo kamid ah dadka lagu casuumay shirka ayaa Mustaqbal usheegay iney suura gal tahay in lagu soo qaado dib uheshiisiinta Dadka Gobolka iyo dhameysta rabshadihii ka dhashay ridistii Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Warar kaloo soo baxaya, waxey sheegayaan in Abiye Axmed ka carooday dadaalada loogu jiro in dadka Somali Galbeed ay isaga baxaan ku hoos noolaanshiyaha Itoobiya, iyadoo Shalay Madaxweyne Cagjar go’aamo culus qaatay.

Madaxwaynaha cusub ee sida ku meel gaar ah xilka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya loogu magacaabay Mustafa Maxamed Cumar ayaa si rasmi ah uu shaaciyay Shalay oo Khamiis eheyd in la bedalay magaca iyo astaantii calanka DDSI.

Mustafa, oo xilka loo magacaabay Arbacadii ayaa daboolka ka qaaday in magaca cusub uu yahay “Somali State” kaasoo marka la Soomaaliyeeyo uu yahay Maamulka Soomaalida, isagoo tibaaxay in calanka dib loogu soo celin doono midka Shanta xidig ay ku jirtay.

Magacan cusub ayaa meesha ka saaray Ergaygii Itoobiya oo mudo ku larnaa ismaamulka Soomaalida oo la oran jiray “dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya”.

Sidoo kale, tani waxay ka dhigan tahay in calanka qaybta ay kaga jirta Hasha Geella ah oo u­keysiinaysa calanka midka dalka Itoobiya uu meesha ka baxayo, uuna dib ugu soo laabanayo midka Shanta Soomaaliyeed, oo ay gees kaga yaaliin midabada kala ah; Cagaar, Cadaan iyo Gaduud.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Khaliil Cabdi Samad:

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

10 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

13 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

15 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

16 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

16 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

17 hours ago