Saraakiil ka tirsan UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray ciidan ka badan 500 askari oo loogu tala galay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidamadan, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay dalkooda difaacaan.
Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad Khaliif C/naasir ayaa wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin tababarka loo soo xiray ciidankan, wuxuuna tilmaamay in ciidankan la baray hawlo badan oo la xiriira arrimaha ciidanka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed ay ku faraxsan tahay in ciiankooda ay helaan tababaro heerkooda sareeyo.
“Dowladda UK waxyaabo badan ayay ummadda Soomaaliyeed ka caawisaa, keliya arrimaha ciidamada nagama taageerto, ciidankan waxay la dagaalami doonaan nimanka cadowga ah ee Al Shabaab, waxaan idin kula dardaarmayaa dalkiina iyo dadkiina oo aad u dhaarateen inaad difaacdaan”. Ayuu yiri Ugaas Xasan.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…