GUDAHA/wararka

War-murtiyeed: kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Isaias Afwerki.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.

Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.

Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.
Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

News Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

3 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

7 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

10 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

11 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

13 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

13 hours ago