Waxaa dib u billaabanaya wada hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, loo hirgaliyo qoddobadii ku jiray baaqii Ankara ee dhacay 12 bishaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ay u dirtay Wafdi sare si ay u sii wadaan heshiiskii Ankara ee labada dal dhexmaray.
Wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah Taliyaha NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad iyo mas’uuliyiin kale.
Kulamo ayaa la filayaa in ay yeeshaan Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si looga wada hadlo qoddobada farsamo ee ku jiray heshiiskii Ankara.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hore isugu afgartay in la sii wado wada hadalada tan iyo bisha Febaury ee sannadka soo socda 2025.
Wada hadalladaasi ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan oo dhexdhexaadinayay Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Aby Ahmed, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…