GUDAHA/wararka

Wadahadalladii Dowladda iyo Mucaaradka ay maanta ku ballansanaayeen oo dib u dhacay

Wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ay maanta u ballansanaayeen ayaa dib u dhac ku yimid, iyada oo dhinacyada kulamo gaar gaar ah uga socdaan Magaalada Muqdisho.

Mucaaradka kala qeybsan ayaa ka caga jiidaya ka qeyb galka Gogosha, iyaga oo codsanaya dhinac saddexaad oo beesha Caalamka ah si ay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale qayb kamid ah Mucaaradka ayaa codsigooda ku daray in dib loogu laabto qodobadii taagnaa ee sababay in muddo dheer uu wadahadalkaan uu hakad galo taasi oo caqabadii la isku haystay ay taagan yihiin.

Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland ayay qaarkood mucaaradka u arkaan in aanay la’antood la furi karin wadahadalka waana caqabad kale oo shirka sii waqti dheereen karta mar haddii aysan Caasimadda joogin isla markaana ay wataan shuruudo ay Muqdisho ku imaan karaan.

Dowladda Federaalka ayaa horay u caddaysay qorshaha doorashooyinka 2027 iyada oo Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo hirgeliyay Doorashooyin Dadweyne uu soo bandhigay Jadwalka doorashooyinka balse mucaaradky kuma qancin wuuna kahor yimid.

Inkasta oo xubnaha mucaaradka ah ee Dowladda Federaalka uu dhowr dhinac kala yahay haddana iskuma raacsana hannaanka Doorashooyinka oo qaarkood ay Dowladdu ku raacsan yihiin Doorashada Dadweyne balse waxa ay dood ka qabaan Guddiga iyo sida loo maamulayo halka qayb kale ay u xusul duubayso Doorasho Dadban.

Haddaba suuragal ma tahay in xal loo helo caga jiidka dhinacyadaan u ballansan inay kawada hadlaan Doorashooyinka Dalka iyada oo dhan weliba uu wato shuruudo u gaar ah una baahan yahay in loo fuliyo?

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Shacabka Cape Varde oo kala dooranaya 6 musharrax oo isku qaab u ololeeyay

Dalka Cape Varde ee dhaca Galbeedka Afrika sidoo kalena ku yaalla Badweynta Atlaantikada waxa uu…

9 mins ago

AS iyo Ciidanka DF oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Xubno katirsan AS ayaa saaka weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Federaalka ay ku leeyihiin Deegaanka…

46 mins ago

Mustaqbalka Saxaafadda Soomaaliya iyo Garaad Gacmeedka

“Xilligan qiimaha warbixinnadu kuma koobnaan doono degdegga wararka. AI waxa uu beddelayaa habka macluumaadka loo…

2 hours ago

Dagaalka Al-Shabaab & Dowladda Federaalka Soomaaliya: 2022–2026

"Hiiraan waxa ay noqotey xudunta kacdoonka, halka Baxdo iyo deegaanno kale oo Galgaduud ah ay…

2 hours ago

Soomaali lagu dilay Xadka u dhaxeeya Itoobiya & Kenya

Ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah oo Soomaali ah oo ay ku jiraan haween…

2 hours ago

Maraykanka oo baaraya muuqaallada laga helay dhismo ku dumay New York oo sababay geerida 8 qof

Muuqaal cusub oo laga helay dhismo dhawaan ku dumay Dadkii degenaa oo ku yaalla Xaafadda…

2 hours ago