GUDAHA/wararka

Waa maxay sababta uu Donald Trump uga wareeganayo duullaan kale uu ku qaado Iiraan?

Waxaa la helay sababta Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu uga gaabsanayo Duullaanka ka dhanka ah Iiraan kaddib markii Warbaahinta Israa’iil oo xogtaan ay heshay bannaanka soo dhigtay sida maanta la hadal hayo.

Maraykanka ayaa difaaca Israa’iil iyo Dalalka Carabta ku waayay gantaallo badan oo ah kuwa wax difaaca ee loo yaqaan THAAD intii lagu jiray gantaallada sidii xisaab la’aanta ah ay u tuurtay Iiraan ee ku dhacay Dalalka badan.

Sarkaal katirsan Israa’iil oo xogtaan laga soo xigtay ayaa sheegay in aanay jirin kayd dambe oo Maraykanka uu dib ugu laabto oo la xiriira THAAD, sidaas awgeed waxa uu sarkaalkaan xusay in aanay Donald Trump u fududeyn duullaan kale oo ka dhan ah Iiraan.

Washington ayaa ku howlan dib u dayactirka Gantaallada Difaaca, samaynta hannaan xooggan oo kahortagi kara kuwa gudbaya iyo in ay degto qorshe cusub oo lagu xakamayn karo hubka waa wayn ee Iiraan oo iyada oo la arkayo ka gudbaya hannaankaas.

In ka badan 200 oo gantaal ayuu Maraykanka adeegsaday maalmihii dagaalka adkaa uu socday, Dalal badan oo kuwa Carabta ah oo dhaqaale badan siin jiray Washington isla markaana aaminsanaa awoodda THAAD ayaa haatan dib uga laabtay.

Wargayska lagu magacaabo Washington Post oo xog laga helay laguna daabacay Wargayska kale ee Times of Israel ayaa lagu sheegay in xogaha la helayo ay muujinayaan in aanay Maraykanka dan ugu jirin dib u billaabashada Dagaal cusub ilaa caqabadda taagan laga xaliyo.

Halkii Gantaal ee THAAD waxaa lagu qiyaasaa in ay ku baxayso lacag ku dhow 18 Milyan oo doollar, waxaana ay tani muujinaysaa in Maraykanka uu dhaqaale badan uu ku waayay duullaankii uu ku qaaday Iiraan 28kii Febaraayo 2026.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

57 mins ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

59 mins ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

15 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

16 hours ago

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

18 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

22 hours ago