GUDAHA/wararka

UK oo soo ma saafurineysa Nin Soomaali ah

Yacquub Axmed oo 30 jir ah ayey dowladda UK sheegtay in ay dib ugu celineyso Soomaaliya kaddib markii uu kufsaday gabar 16 jir ahayd sidoo kalena ku jiray shabakad Gaangiistarro ah.

Bishii October ee sanadkii la soo dhaafay ayaa Rakaabka diyaaraddii lagu celinayay diideen in laga dhoofiyo Ingiriiska si dib loogu celiyo Soomaaliya.

Yacquub Axmed.

Dowladda UK ayey qasab ku noqotay in ay ninkaasi heyso,waxaana la arkayay isaga oo u mahad naqayay rakaabka dib u celintiisa hor istaagay.

Waaxda Socdaalka UK ayaa sheegtay in Yacquub lagu hayo xarun u dhow Garoonka diyaaradaha ee Heathrow,waxaana uu Dowladda Ingiriiska u xirnaa sagaal sano.

British Airways

Sidoo kale dowladda UK ayaa dhalashada kala noqotay Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cadnaan Maxamuud, kaas oo isaguna kufsiga qeyb ka ahaa sida ay sheegtay dowladda Ingiriiska.

Waxaa kale oo ay Dowladda Ingiriiska dib u celin la damacsaneyn Ondogo Ahmed, oo la tuhunsanyahay in uu ku biiray Daacishta Syria halkaasna ku dhintay.

Ondogo Ahmed

Waqti rasmi ah ma sheegin dowladda UK oo ay ninkaas dib ugu soo celineyso Soomaaliya,waxaase ay sheegtay in markan aysan dhici doonin sidii hore oo kale.

Web master

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

2 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

3 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

5 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

5 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago