Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Gaari Xamuul ah oo ka soo baxay Galbeedka dalkaas kuna sii jeeday caasimadda Nairobi.
Gaariga oo uu la socday wadaha kaliya ayaa waxaa lagu qabtay 1,750 KG oo maaddada ammonium nitrate ah, waxaa kale oo lagu qabtay 50 xabbo oo fiilooyinka qaraxyada ah.
Booliska Magaalada Bomet ee galbeedka Dalka Kenya ayaa xiray Wadihii iyo Gaarigiiba,waxaana ay sheegeen in Gaariga xamuulka ah ay leedahay sharikad kiimikaad oo lagu magacaabo Nitro Chemicals Company Ltd.
Naomi Ichami, oo ah Taliyaha Booliska ee degaankaas ayaa sheegay in suntan iyo fiilooyinka qaraxyada loola dan lahaa weerarro argagixiso oo laga geysto Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Joseph Wang’ombe oo 37 jir ah ayaa lagu qabtay Gaariga,markii la xirayayna ma sameyn wax diidmo ah,waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah Maxkamad la geeyo.
Booliska Kenya ayaa 1dii Bishan maalintii xuska Xorriyadda Kenya qabtay Adan Galhai,oo 22 jir ah,kaas oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay dilka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka qeybgeliyay munaasibadda xuska ahayd.
Laamaha amaanka Kenya ayaa heegan sare la geliyay iyaga oo sheegay in ay heleen xogo sirdoon oo muujinaya weerarro ay AL-shabab ka qorsheynayaan gudaha Dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…