GUDAHA/wararka

Turkish Airlines oo 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ah ee Suudaan

Turkish Airlines ayaa 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Suudaan, tillaabadaasi oo ay soo dhoweeyeen shacabka iyo dowladda oo xilli adag ku jira.

Munaasabadda lagu daahfuray duulimaadyada ayaa waxaa ka qeyb galay madax sare oo ka kala tirsan dowladaha Suudaan iyo Turkiga, iyadoo lagu boggaadiyay go’aanka geesinimada leh.

Safaaradda Türkiye ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday dib u bilaabashada duulimaadyada soo hadda ka degaya magaalada Port Sudan oo ah dekedda ugu weyn dalka.

Duulimaadyadan waxaan mar kale ku muujinay in shacabka Turkiga iyo dowladda Türkiye ay garab taagan yihiin saaxiibadooda xilliyada adag,” ayuu yiri Danjire Fatih Yildiz.

Danjiraha oo sii hadlaya ayaa sheegay in tillaabadani ay tahay farriin cad oo uu Turkiga u diray Dunida oo ah in Suudaan aysan go’doonsanaan doonin.

Tani waa farriin cad oo muujineysa in Suudaan aysan kaligeed ahayn, isla markaana aan saaxiibadeena la go’doomin karin” ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Suudaan.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Turkish Airlines waa tiir muhiim u ah siyaasadda iyo diblomaasiyadda arrimaha dibadda ee Türkiye,”

Dib u bilaabashada duulimaadyada ee Turkish Airline ayaa ka dhigan in go’doonka laga qaaday Shacabka Suudaan ee mudada dheer wajahayay culeysyada dhinaca socdaalka.

Diyaaradan Turkish Airline ayaa duulimaadyo ku tagta 63 magaalo oo ku yaalla Qaaradda Afrika.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago