Dowladda Türkiga ayaa soo bandhigtay gantaalkii ugu horreeyay ee xawaare sare leh (hypersonic), kaas oo gaari kara bartilmaameedyo fog muddo kooban gudaheed.
Gantaalka oo magaciisa yahay Tayfun Block-4 waa nooca hypersonic ah ee gantaalka ridada dheer, wuxuuna miisaankiisu ka badan yahay 7 tan, isagoo awood u leh inuu burburiyo bartilmaameedyo istiraatiji ah oo masaafo fog laga beegsado.
Turkiga wuxuu soo bandhigay hub iyo saanad ciidan oo cusub, waxaana kamid ah Gantaalka Atmaca oo ah nooca hoosta badda laga rido, wuxuuna gaari karaa in ka badan 250 km, isagoo leh madax-hore qaraxyo kala firidhsan.
Sidoo kale, Turkiga wuxuu soo bandhigay nidaamka difaaca hawada oo bartilmaameysan kara diyaaradaha iyo gantaalada weerarada soo qaada.
Bandhig lix maalmood ka socda magaalada Istanbuul ayaa lagu soo bandhigay hub iyo saanad ciidan oo kale. In ka badan boqol wadan ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu soo bandhigay hubkaan.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…