GUDAHA/wararka

Trump oo xoogga saaraya dhaqangelinta go’aamada ka dhanka ah Soomaaliya & Ajaanib kale

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Madaxa Hay’adda Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS), Joseph Edlow ku caadinaya in uu qaado tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah Ajaanibta kasoo jeeda dalalka Somalia, Afghanistan, Cuba, Haiti, Iran & Venezuela.

Donald Trump ayaa arrintaan u arka mid muhiim u ah amniga dalkiisa isla markaana meesha ka saari karto tuugada uu sheegay in ay kusoo kordheen Gobolka Minnesota sida uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka.

Maareeye Joseph Edlow oo wax laga weydiiyay sida uu arrimahaan u dadejin karo waxa uu tilmaamay in dhowr jeer warqado uga yimaadeen dhinaca Aqalka Cad laguna wargeliyay fulinta soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Xaaladdu waxa ay sii adkaatay kaddib  markii nin u dhashay Dalka Afghanistan lagu eedeeyay in uu toogtay labo askari oo katirsan ciidanka ilaalada Qaranka ee Magaalada Washington DC, loona baahday in la dabagalo.

“Badbaadada waddankan iyo dadka Maraykanka ah waa mudnaanta koowaad, mana ahaan doonaan dadka Maraykanka kuwa bixiya kharashaadka ka dhashay siyaasadaha dayacaadda leh ee maamulka hore ee dib-u-dejinta” ayuu yiri Joseph Edlow oo qoraal soosaaray.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago