Tigreeda Itoobiya oo danjiraha Mareykanka ee Somaliya ku eedeysay in uu door ku lahaa magacaabistii Abiye.

Saraakiishii hore ee maamulka Tigreeda dalka Itoobiya ayaa dowladda Mareykanka ku eedeyay in uu isaga ka dambeeyay magacaabista Abiye Axmed ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya noqday.

Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Itoobiya una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa sheegay in uusan wax shaki ah uga jirin in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto uu kaalin muuqata ku lahaa xulashada Ra’isalwasaaraha hadda ee Itoobiya.

Sebaht Nega, oo khudbad ka jeediyanayay Jaamacadda Mekele ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Abiye uu ku yimid rabitaanka Mareykanka.

Laakiin safaaradda Mareykanka ee Adis ababa Afhayeen u hadlay ayaa beeniyay  sheegashada sarkaalka Tigreega ah,waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”.

Afhayeenka Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa Nicholas Barnett, ayaa hadalka janaraalka howlgabka ah ku tilmaamay mid aan runta ku fadhiyin sidoo kalena heysan caddeeyn.

Donald Yamamoto ayaa dhawaan loo magacaabay danjiraha cusub ee Mareykanka u fadhiya Muqdisho,waxaana uu ka soo wareegay Dalka Itoobiya oo uu horay danjire uga ahaa.

LINKIGA HOOSE KA EEG

https://www.ethiopiaobserver.com/2018/12/19/embassy-slams-baseless-claims-of-us-role-in-prime-minister-abiys-selection-processes/

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

13 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

17 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

18 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

18 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

18 hours ago