14 ka mid ahaa Kalluumeysato u dhashay Dalka Thailand laguna heystay biyaha Soomaaliya ayaa dib ugu laabta dalkooda Thailand.
Dowladda Thailand ayaa sheegtay in 14ka qof laga qaaday Dalka Iraan markii ay ka baxeen Kenya oo ah goobta la geeyay markii laga qaaday Xeebaha Soomaaliya gaar ahanna kuwa Maamulka Puntland.
Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Thailand Chatumongkol Sonakul, ayaa sheegay in Ganacsade u dhashay Thailand uu raggaas u gacan geliyay Ganacsade Soomaali ah.
Waxaa uu sheegay in Kalluumeysatada iyo Doomihii ay ku shaqeynayeen uu Ganacsadaha u dhashay Thailand ka iibiyay Ganacsade Soomaali ah oo ku sugnaa Iraan.
Ganacsadaha Thailand u dhashay ee dadkaas iyo Doomahaba iibiyay ayuu Wasiirku sheegay in fadhigiisu yahay Dalka Iraan.
Chatumongkol Sonakul ayaa sheegay in Ganacsadaha dhibbanayaasha ka dhigay Muwaaddiniinta Thailand iyo cidkasta oo ku lug lahayd falkaas la geyn doono sharciga.
Wasiirka ayaa sheegay in 48 qof oo u dhashay THailand dhamaadtood dib ugu laabteen dalkaas markii siyaabo kala duwan looga furdaamiyay Soomaaliya.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…