Guddiga doorashooyinka ayaa qabtay kulan looga hadlay diyaar-garowga doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceyso Gobolka Banaadir, gaar ahaan howlaha dhinaca amniga.
Kulanka ayaa loo qabtay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ka shaqeynaya ilaalinta amniga doorashada oo la filayo in ay qabsoonto dhammaadka bishaan.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muuumin, ayaa sheegay in ciidanka Booliisku aanay ku lug lahayn arrimo siyaasadeed, isla markaana dhammaan ururrada siyaasadda u tartamaya Golaha Deegaanka ay u siman yihiin.
“Ciidankeena Booliiska wax shaqo ah siyaasad kuma laha, dhammaan ururada siyaasadda ee u tartamaya Golaha deegaanka waa noo sima yihiin” ayuu yiri Macalin Mahdi
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ugu baaqay askarta in ay si nabad ah uga shaqeeyaan habsami u socda doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu qaban doono degmooyinka gobolka Banaadir.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…