GUDAHA/wararka

Taliska ciidanka Booliiska oo amray in Kaamirooyin lagu xiro magaalada Dhuusamareeb

Dhamme Nuur Cilmi Maxamed, Taliska ciidanka Booliiska magaalada Dhuusamareeb ayaa ku amray ganacsatada iyo dadka deggan hareeraha Laamiyada in ay xirtaan Kaamirooyinka CCTV.

Taliyaha ayaa sheegay in tillaabadani lagu xaqiijinayo Amniga guud ee magaalada iyo xasiloonida caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa Shacabka ku dhiirigaliyay in ay si dhow laamaha Amniga kala sahqeeyaan sugida Amniga, xilli magaalada ay ka socoto diiwaan galinta Doorashooyinka.

Dhamme Nuur Cilmi Maxamed wuxuu sidoo kale digniin adag u diray askarta hubka la dhex maraysa gudaha magaalada, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin in askari hub ku dhex wato bartamaha Dhuusamareeb, islamarkaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkaasi.

Kaamirooyinka lagu sugayo Amniga ayaa sidaan oo kale looga hirgaliyay qeybo kamid ah dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago