Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay sababihii ay dalka uga ceyrisay Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in aysan ku degdegin in ay dalka ka ceiriyaan Mr Malungo islamarkana ay arrintan muddo dheer soo socotay.
Waxaa uu intaa kudaray in ay adagtahay in la qaato go’aanka ah in qof dublamaasi ah dal laga ceyriyo, balse go’aankan uu ahaa mid laga fursan waayay.
“Waxa la yiraahdo persona non grata waa arrin aad u adag oo aanan lagu degdegin oo aanan la sameynin oo dowladaha inta badan ay aad uga gaabsadaan, indhaha ka qabsadaan ay maraan jidad kale oo qof sidaas oo kale ah dalka looga badalo ama looga kaxeeyo marka arrintaas anaga waan ka fajigneyn waana ognahay in halkaas wax la gaarsiiyo ma ahayn laakiin haddii laga fursan waayo waxaa muqadas ah ilaalinta qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.
Simon oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta maxalliga ee Uganda ayaa fajac ku tilmaamay go’aanka dowladda. Wuxuu sheegay inuusan garanaynin sababta looga ceyriyay dalka, wuxuuna sheegay in warqadda ka soo baxday dowladda aysan ku jirin faahfaahin ku saabsan sababta loo ceyriyay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa intaa ku daray in Simon Malungo uu ku tuntay shuruucda dalka u taalla taasina ay sababatay in ay dalka ka ceyriyaan.
“Ninkaan isaga ah aniga oo aanan rabin inaan hoos u galo, si guud waxaan kuugu sheegayaa in raad badan oo uu leeyahay lagu arkay waxyaabo dambiyo ah, wadanka la joogo sharcigiisa waa in la dhowraa, sharafkiisa waa in la dhowraa,” ayuu intaa ku daray wasiirka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhanka kale ku eedeeyay Simon Malungo in uu isku dayay in uu hor-istaago baaritaankii dadkii ay ciidamada Amisom ku dileen deegaanka Golweyn ee gobololka Shabeelada hoose.
“Dad Soomaaliyeed ayaa meesha la yiraahdo shabeelada Hoose Golweyn si ka baxsan bina’aadanimada loogu dilay, si kas ah ayaa loo dilay, dadkaasi dilitaankoodii waxaa la sameeyay baaris, baaritaankii inuu wax badan hor-istaago ama marin habaabiyo ayuu isku dayay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.
Mr Cabdi Risaaq ayaa carabka ku adkeyay in mar hore ay ahayd in Simon Malungo dalka laga ceyriyo marka la eego falalka uu ku kacay.”Waxay ahayd in ninkan mar hore dalka ka tago runta haddii la isu sheego in maanta la isla soo gaaro Meesha aan joogno maba ahayn-ba sanado ka hora yay ahayd in ninkan uu Meesha ka tago ,” ayuu intaa ku daray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…
Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…
Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…
Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…