GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo sagootisay Safiirkii Ruushka ee Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta qaabilay isla markaana Sagootiyay Danjiraha aan deggeneyn ee Dowladda Federaalka Ruushka u fadhiyay Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov, oo xilkiisii diblomaasiyadeed soo gabagabeeyay.

Wasiirka Cabdisalaam ayaa ku ammaanay Danjire Golovanov dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka. Sida lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sii yiri, “Labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin Ruushka iyo Soomaaliya.”

Ruushka ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray sidii uu u xoojin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, dhammaadka todobaadkii hore magaalada Muqdisho ayaa soo gaartay diyaarad siday gargaar taas oo ka timid dalka Ruuska.

Deeqdaan ka timid Ruushka waxa ay ka dhigaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshay Dalal kasoo jawaabay baaq ay horay ugu jeedisay Dalalka ay saaxiibada yihiin oo la xiriirta in laga gacansiiyo kaalmada bani aadamnimo ee dadka abaaruhu saameeyeen.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

20 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago