GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa meertada 34aad ee hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO)

Soomaaliya ayaa lagu casuumay shirka meertada 34aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha loona soo gaabiyo IMO oo ka dhacay Boqortooyada Ingiriiska, wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa u safray dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hoggaaminayo wafdigaan, waxaana uu sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxa uu ku sheegay in rajo fiican ay ka muujinayaan miradhalka kulankaan isla markaana doorkooda ka qaadan doonnaan doodaha & aragti is dhaafsiga.

“Waxaan maanta hoggaaminayaa wafdi u ambabaxay Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo aan kaga qeyb galeyno meertada 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO). Safarkan wuxuu fursad u yahay in aan ku matalno dalka, korna ugu qaadno danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku saabsan nabadgelyada, badbaadada iyo horumarinta howlaha badda caalamiga ah,” Ayuu yiri Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

“Waxaan rajeynayaa in kulankani uu noqdo mid miro-dhal ah oo kor u qaada kaalinta Soomaaliya ee howlaha IMO.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

16 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

31 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago