Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga oo maanta u dabaaldegaya sannad-guuradii 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda dalkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ugu hambalyeynayaan xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhaxeeya.
Qoraalka war-saxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Waxaan si daacad ah ugu dabaaldegaynaa sannad-guurada 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, annagoo u dirayna shacabka walaalaha iyo saaxiibada ah ee Turkiga hambalyo iyo bogaadin qalbi ka timid.”
Dowladda Soomaaliya ayaa xustay in Turkigu uu yahay saaxiib dhow iyo xulafo istiraatiiji ah oo garab taagan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ku saleysan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo iskaashi horumarineed.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…