Magaalada Carta ee Dalka Jabbuuti ayaa martigelinaysa munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 25 sano guuradii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee 2000, kaas oo saldhig u noqday dib-u-heshiisiintii Soomaaliya.
Madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Mucaaradka, mas’uuliyiin hore iyo qeybaha bulshada rayidka ayaa ka qeyb galaya munaasabadda oo uu marti galiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa gaarey magaalada Jabbuuti, iyadoo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay dhawaan gaaraan magaalada Jabbuuti, halkaasi oo ay shirka uga qeyb galayaan.
Khudbado kala duwan ayaa la filayaa in laga jeedo shirkaan, iyadoo Madaxda ka hadli doonaan dhismaha Dowladda Carta ee sannadkii 2000.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…