GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo diiday in ay dhoolatus la sameyso dalal ay ku jirto Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid in ay dhoolatus dhinaca badda ah la sameyso dalalka ciidamada heegaanka ah ee Bariga Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay walaac ka muujisay dhoolatus la qorsheeyay in ay wada sameeyaan dalalka Ciidamada heeganka Bariga Afrika.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dhoolatus aysan qeyb ka noqoneyn dhoolatuskaasi.

‘’Waxaan u sheegnay in dowladaha badda leh, ay ka qeyb kali karaan, arrintan, biyaha Soomaliya waxaa dhola tus  ku sameen karaan dowladaha bad leh’’ ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in marnaba Soomaaliya aysan dhoolatus bad la sameynayn dal aan bad laheyn, biyaha Soomaaliyana uusan gali larin.

Dalaka bariga Afrika ayaa ka kooban lix wadan oo kala ah Soomaaliya, Kenya, Ruwanda, Koofurta Suudaan, Uganda, Itoobiya.

Soomaaliya iyo Kenya oo kaliya ayaa leh bad dalalkan ku mideysan wadamada ciidamada heegaanka ah ee Bariga Afrika.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

7 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

12 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

14 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

14 hours ago