GUDAHA/wararka

Soomaaliya & Mareykanka oo iska kaashanaya Ciidan cusub oo lagu tababarayo Ballidoogle

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa iska kaashanaya tababarks ciidan cusub oo ku biiraya Kumaandooska Danab kuwaas oo lagu tababarayo Dugsi ku yaalla Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Ballidoogle Gobolka Shabeelaha Hoose.

Arrintaan waxa ay timid kaddib markii la sheegay in xal loo helay caqabaddii Mareykanka uu sida kumeel-gaarka ah uga soo guuray Garoonka Ballidoogle oo dhaawac soo gaaray qaybta ay ku ordaan Diyaardaha oo la shaaciyay in hadda loo helay qandaraas dib u dhis ah.

Mareykanka ayaa tababara oo qalabeeya lana howlgalla Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab, waa qayb kamid ah heshiisyo dhexmaray Xukuumadaha Muqdisho iyo Washington si sare loogu qaado awoodda Ciidamada Qalabka sida ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka.

Waxaa lagu wadaa in madaxda Dowladda Federaalka, Saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka, xubno ka socda Mareykanka ay xaadiraan munaasabadda tababarka loogu furayo Ciidamadaas cusub ee ku biiraya Kumaandooska Danab sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.

Weli si dhab ah looma shaacin waqtiga uu tababarkaas billaabanayo, ilo kala duwan ayaa sheegay in howsha dib u dayactirka Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle halkaas oo si kumeel-gaar ah hadda uga maqan yihiin diyaaradaha Mareykanka iyo saraakiisha tababarkaas bixinaysa oo Muqdisho ku sii shaqeynaya.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

RW Xamse oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo Xubno kale

Ra'iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay Golaha…

1 hour ago

Ukraine oo sheegtay in Markab uu leeyahay Ruushka ay ku quusisay Xeebaha Liibiya

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in howlgal ka dhan ah Ruushka ay ka fulisay Xeebaha Liibiya…

5 hours ago

Muxuu daaran yahay Safarka MW Xasan Sheekh ee Uganda?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda…

6 hours ago

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cosoble oo ku geeriyooday Masar

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku geeriyooday Dalka Masar…

8 hours ago

Akhriso Liiska Golaha Wasiirada Galmudug

  Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magacaabay Golahiisa Wasiirrada, kuwaas oo ka kooban 24 Wasiir.…

19 hours ago

MW Xasan Sheekh oo la kulmay madaxda shir ka shaqeysa soo saarista Shidaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi sare oo ka socday…

24 hours ago