Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay suuragal noqon karin in talada Dalka lala aado dibadda isaga oo intaas ku daray in wixii wadahadal ah ay ka dhici karaan gudaha waddanka oo keliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay sahlanayn in wadahadalka looga hadlayo masiirka Dalka la geeyo Dal kale isaga oo labo jeer dhexdiisa lagu doortay waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Soomaaliya.
“Ma dhacayso in talada Dalka la geeyo Dibadda aniga oo labo jeer la igu dhex doortay, wixii wadahadal ah waxa ay ka dhacayaan Dalka gudihiisa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhan kale waxa uu markale xoojiyay gogosha wadahadalka isaga oo xubnaha mucaaradka ah ee diidan tagista gogoshaas usoo jeediyay inay xitaa dhigtaan gogol ayna diyaar u tahay Dowladda Federaalka inay ugu tagto meel weliba oo Dalka gudihiisa ah.
Mustaqbal
Ra'iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay Golaha…
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in howlgal ka dhan ah Ruushka ay ka fulisay Xeebaha Liibiya…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda…
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku geeriyooday Dalka Masar…
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magacaabay Golahiisa Wasiirrada, kuwaas oo ka kooban 24 Wasiir.…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi sare oo ka socday…