GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay Doorashada qof iyo codka ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay warbixinno la xiriira dagaalka AS, hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo dagaalka AS.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso dardar galinta dagaalka AS iyo qabashada doorashada qof iyo codka ah.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

12 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

16 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

17 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

17 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

17 hours ago