GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha 9 wadan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah:

•⁠ ⁠Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya

•⁠ ⁠Robert Ifriyie – Safiirka Ghana

•⁠ ⁠Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast

•⁠ ⁠Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico

•⁠ ⁠Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela

•⁠ ⁠Kang Hyundshik – Safiirka Korea

•⁠ ⁠Hussein Deh – Safiirka Mauritania

•⁠ ⁠Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

15 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

16 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago