GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka socdaalka iyo amniga

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula yeelatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka ee Finland oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’addaas.

Kulankan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka xuduudaha, nidaaminta socdaalka, iyo iskaashiga dhinaca la-dagaallanka dambiyada abaabulan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu yaraynayo socdaalka sharci-darrada ah iyo in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo kuwa socdaalka ee labada dal.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli qaxooti Soomaali ah ay ku sugan yihiin dalka Finland oo kamid ah dalalka Yurub ee loo tahriibo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

49 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

19 hours ago