GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dib u billaabista dhoofinta xoolaha nool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dib u billaabista dhoofinta xoolaha nool ee suuqyada dalka Ciraaq, kaddib wada-hadallo dhexmaray wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Ciraaq, Fu’aad Xuseen, ayaa arrintan ka wada hadlay kulankooda ka dhacay magaalada Baqdaad, iyagoo ka qeybgalayay shirka 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhaqaajinta guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo beeraha.

Dib u billaabista dhoofinta xoolaha nool ayaa la filayaa inay fursado cusub u abuurto ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay xoojiso xiriirka ganacsi ee labada dal.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Nigeria oo ka digtay khatarta amni ee dalkeeda ku yeelan karo garaadka Macmalka ah ee AI

Dalka Nigeria oo ka mid ah Dalalka dhibaatooyinka Amni darro ay ka dhacaan, waxaa muddooyinkii…

19 mins ago

Turkiga oo sheegay in uu kordhinayo tababarrada ciidanka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si…

2 hours ago

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay in uu galay xaalad miir-dabool ah

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah…

3 hours ago

Soomaali khasaare ka soo gaarey duqeymo ka dhacay xadka dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan

Tobabaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku geeriyooday ka dib markii Duqeymo ay…

14 hours ago

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed oo soo saaray go’aan ka dhan ah Laftagareen

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay digiin ugu direyso dhammaan dadka faafiyay wararka…

15 hours ago

Kenya & Itoobiya oo lagu eedeeyay faragelinta Maamulka Koofur Galbeed

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qayb…

15 hours ago