GUDAHA/wararka

Somaliya oo soo dhaweysay go’aankii Qaramada Midoobey

Dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhaweysay qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2472 (2019) ee ka soo baxay kulankii Goluhu yeeshay 31 May 2019.

Soodhoweyn: Dawladda Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2472 (2019) ee ka soo baxay kulankii Goluhu yeeshay 31 May 2019.

Mahadcelin: Waxaanu u mahadcelinaynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Hay’adaha Qaramada Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo dhamaan Dawladaha taageera dib-u-soo-kabashada, dhismaha Dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Ammaan: Waxaanu ku amaanaynaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay taageerada joogtada ee ay u muujiyaan Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo ilaalinta Qaranimada, xaduudaha, wadajirka iyo midnimada Somalia.

Soo dhaweyn iyo Xoojin: Waxaanu mar labaad soo dhoweynaynaa oo xoojinaynaa soojeedinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriirta:-

1-Muhimada ay Soomaaliya u leedahay in hay’adaha Dawladda ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ka wadashaqeeyaan degganaan Siyaasadeed oo sahasha in la dedejiyo dhismaha Ciidan Qaran iyo hirgelinta qorshaha kala guurka amniga (transition plan) ee masuuliyada Aminga dalka kula wareegayaan hay’adaha amniga Soomaaliya.

2-In la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhexaysa Dawladda dhexdeeda (Dawladda Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedka), Qaramadda Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo Dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya si loo dedejiyo oo loo dhameystiro dhismaha Qaran iyo Dawladnimo Soomaaliyeed oo mid ah, Dimuqraadic ah, oo hanan karta masuuliyada dadkeeda iyo dalkeeda.

3-Iyadoo la fulinayo heshiiskii Baydhabo, laguna dhaqmayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, In Hay’adaha Dawladda ee heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed dardargeliyaan sidii horumar looga gaari lahaa oo loogu heshiin lahaa dhamesytirka Dastuurka, qaybsiga kheyraadka, Muuqaalka uu yeelanayo qaab-dhismeedka Dawladnimo ee Soomaaliya iyo awood qaybsiga Siyaasadeed.

4-Ugu dambeyn, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa oo xoojinaysaa in Dawladda Federaalka ah, Dawlad Goboleedyada iyo xoogaga taageeraya Soomaaliya ee ay ugu horeeyaan AMISOM, UNSOS, UNSOM iyo Diplomaasiyiinta Dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ka wadashaqeeyaan in markasta oo maamul jira waqtigu ka dhamaado laga dheeraado waqti kordhin oo la qabto doorasho loo dhan yahay, si nabad ah ku dhacda, xor iyo xalaal ah. iyo sidoo kale in 50 sano ka dib sanadka 2020/2021 Soomaaliya laga hirgeliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan wakiiladooda ku metelaya Siyaasadda.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago