Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Somalilnad in ay Mareykanka u ballan qaaday saldhig ciidan iyo macaadin si ay u helaan aqoonsi.
Warbaahinga Bloomberg ayaa baahisay xog la xiriirta in Somaliland ay Mareykanka u soo bandhigtay saldhigan oo ku yaalla badda cas, tillaabadaasina lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.
Sidoo kale, qorshaha ayaa waxaa ku jira ballaqanqaadka macaadin muhiim ah, si ay Somaliland u hesho aqoonsiga Mareykanka.
Sanadihii la soo dhaafay Somalinand ayaa si weyn u daneynaysay xiriir rasmi ah oo la yeelato Mareykanka oo kamid ah dalalka saameynta ku leh Siyaasadda Caalamka.
Dhawaan ayay aheyd markii Somalilnad ay heshiis dhinaca badda ah la saxiixatay Dowladda Itoobiya, tillaabadaasi oo muran dhalisay.
Heshiiskaasi ayaa waxaa ka hor yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u sheegtay inuusan soconeyn go’aan aysan ogeyn.
Arrintaasi ayaa saameysay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo khilaafkooda dhawaan lagu xalliyay dalka Turkiga.
Weli Somaliland kama hadlin saldhiga ciidan ee la sheegay in ay u ballan qaadeen Dowladda Mareykanka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…