GUDAHA/wararka

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa & MW Soomaaliya oo qayb ka ah

Magaalada Addis Ababa xarunta Dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhacaya Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada iyo Saamaynta taban ee Afrika ka dhaxashay, waxaa ka qaybgalaya Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Meertada labaad ee Shirka Cimillada Afrika waxaa lagu lafaguri doonnaa sidii looga gaashaaman lahaa saamaynta khatarta badan ee qaaraddaan ka dhashay, in la sameeyo qorshe isku xiraya Madaxda Afrikaanka ah iyo sidii xal wadajir ah loo raadin lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo saamaynta isbaddelka Cimillada ay ku reebtay dalka ka jeedin doonna shirkaan isaga oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna madaxda kala duwan.

Madaxda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la kulmayo waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo mas’uuliyiin kale.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

31 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

17 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

18 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

18 hours ago