GUDAHA/wararka

Shir u dhaxeeya QM iyo Waddamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka furmay shir muhiim ah oo u dhaxeeya Qaramada Midoobey iyo Howlgalka AMISOM.

Shirkan oo soconaya muddo shan maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab, sida loo kala hormarinayo qorshaha AMISOM ee kala guurka iyo hanaanka ugu fudud ee lagu taageeri karo howlgalka.

Madaxa Howlgalka AMISOM ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday xilli muhiim ah oo lagu jiro joogteynta howlgallada Milatari,sugidda waddooyinka sahayda u marto AMISOM iyo goobaha dadka ku badanyihiin.

Francisco Madeira,

Waxaa uu sheegay in dhamaan howlahaan aan la gaari karin laa laga helo qorshe dhameystiran oo lagu howlgalo.

Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey  Lisa Filipetto, ayaa sheegtay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadatay xasilinta Soomaaliya.

Lisa Filipetto

Lisa Filipetto, ayaa sheegtay in Xafiiska ay madaxda ka tahay ee UNSOS ay ka go’antahay taageerada amaanka ee Soomaaliya iyo howllaha AMISOM.

Waxaa ay sheegtay in farriinta ugu weyn ee ay u sheegeyso ka qeybgalayaasha shirka ay tahay in UNSOS ka go’antahay qabashada shaqadeeda Soomaaliya waliba si waafaqsan waqtiga.

Shirka waxaa ka qeybgalaya Waddamada ay Ciidamafda Milatariga iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya,Wakiillo ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa, Qaramada Midoobey iyo ka qeybgalayaan kale.

News Editor

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

1 hour ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

5 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

6 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

7 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

8 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

9 hours ago