GUDAHA/wararka

Shir looga hadlayo Arrimaha Bani aadamnimada ee Dalka oo ka furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha bani aadamnimada ee Soomaaliya, waxaa daahfuray Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Kulanka waxaa kale oo ka qaybgalaya mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani aadamnimada si madashaas ay ugu soo bandhigaan macluumaadka ay hayaan.

Inta uu kulanka socda waxaa diiradda lagu saarayaa iskaashiga dhinacyadaan, xoojinta gargaarka bani aadamnimo iyo si wadajir ah ay dhinacyadaan usoo bandhigaan heerka bani aadamnimo ee Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay kulankaan, waxa uu xusay in lagu soo beegay waqtigii uu mudnaa si loo garab istaago dadka u nugul dhibaatooyinka bani aadamnimo una helaan caawinaadda ay u baahan yihiin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

7 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

12 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

16 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

19 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

20 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

22 hours ago