GUDAHA/wararka

Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay garab istaagga dadka qaar ay u muujinayaan Israa’iil isaga oo sheegay in arrintaas ay kahor imaanayso Diinta Islaamka isla markaana aanay bannaaneen.

Sheekha ayaa shaaciyay in aanay bannaaneen in la isku soo jeediyo balaayo kaasii jeeddo oo uu ku fasiray inay lasoo dhawaysto Yuhuudda oo qudheeda iska xakamayn la’dahay duqaymaha Iiraan iyada oo loo sameeyay goobo badan oo lagu difaacayo.

Waxa uu fariin u diray dad qaarkood Baraha Bulshada lasoo istaagay in ay garab taagan yihiin Israa’iil, arrintaasi ayuu tilmaamay in ay wax u dhibayso Diinta iska daayaan wax weliba oo aan u wanaagsaneen Adduun iyo Aakhira sida uu fariintiisa ku muujiyay.

“Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil, Balaayo aan inoo dhawayn yaynaan soo dhawaysan, Madax & Majo waxaa habboon in aynu faraha la gelin arrin naga wayn oo hadhow iska difaaci karin” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ah Caalim Soomaaliyeed

Waxa uu tilmaamay in Iiraan iyo xulufada kasoo horjeedda midkood aanay diir-naxa u lahayn Sunniyiinta balse loo baahan yahay in la caddeeyo cidda la dulmiyay taasina uu alle ku caddeeyay qur’aanka Kariimka ah.

“Dulmiga alle ma jeclo, Iiraan maanta waala dulmiyay innaga oo rumaysay in aysan khayr u wadin Ahlu Sunna ayaa haddana leenahay waala dulmiyay, Alle waxa uu yiri waligiin Dulmi ha taageerina” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil, waxa uu soo jeediyay in laga fogaado soo dhawaysashada Yuhuudda, Maraykanka & Xulufada kale ee la safan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

6 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

6 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

10 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

11 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

15 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

16 hours ago