GUDAHA/wararka

Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay garab istaagga dadka qaar ay u muujinayaan Israa’iil isaga oo sheegay in arrintaas ay kahor imaanayso Diinta Islaamka isla markaana aanay bannaaneen.

Sheekha ayaa shaaciyay in aanay bannaaneen in la isku soo jeediyo balaayo kaasii jeeddo oo uu ku fasiray inay lasoo dhawaysto Yuhuudda oo qudheeda iska xakamayn la’dahay duqaymaha Iiraan iyada oo loo sameeyay goobo badan oo lagu difaacayo.

Waxa uu fariin u diray dad qaarkood Baraha Bulshada lasoo istaagay in ay garab taagan yihiin Israa’iil, arrintaasi ayuu tilmaamay in ay wax u dhibayso Diinta iska daayaan wax weliba oo aan u wanaagsaneen Adduun iyo Aakhira sida uu fariintiisa ku muujiyay.

“Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil, Balaayo aan inoo dhawayn yaynaan soo dhawaysan, Madax & Majo waxaa habboon in aynu faraha la gelin arrin naga wayn oo hadhow iska difaaci karin” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ah Caalim Soomaaliyeed

Waxa uu tilmaamay in Iiraan iyo xulufada kasoo horjeedda midkood aanay diir-naxa u lahayn Sunniyiinta balse loo baahan yahay in la caddeeyo cidda la dulmiyay taasina uu alle ku caddeeyay qur’aanka Kariimka ah.

“Dulmiga alle ma jeclo, Iiraan maanta waala dulmiyay innaga oo rumaysay in aysan khayr u wadin Ahlu Sunna ayaa haddana leenahay waala dulmiyay, Alle waxa uu yiri waligiin Dulmi ha taageerina” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil, waxa uu soo jeediyay in laga fogaado soo dhawaysashada Yuhuudda, Maraykanka & Xulufada kale ee la safan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

3 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

6 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

9 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

10 hours ago