Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka kusoo badanaya Gobollada Dalka, waxa uu sheegay in arrintaas ay tahay fidno aan lagu gaariin faa’iido adduun iyo aakhiro.
Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in iyada Dadka oo isku diin iyo isku af ah heshiin waayaan halka Dalal kala duwan dunida kale ay ku heshiisay si aanay dhiiggooda u doodin oo maalkooda u kala boobin sida uu hadalka u dhigay.
Dadka awooda kala dhexgalka ayuu tilmaamay in ay saaran tahay mas’uuliyad weyn oo ah xal u raadinta dhiigga daadanaya si aanay ummaddu u dabar go’in, Sheekh Maxamed Idiris ayaa dhinacyada dagaalamaya usoo jeediyay in ay aakhiradooda hagaajistaan.
“Dabar go’ baan ku soconaa haddii aynu is dabaqaban, dhowr iyo soddon sano dhiig baa qulqulaya sidii biyo dhulka lagu daadiyay, Haddii aan isku qanci weyno xitaa aan u yeerano Muslimiinta kale oo aan dhahno na kala saara” Sheekh Maxamed Idiris.
Waxaa sii kordhaya baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya deegaanno kala duwan oo Gobollada Dalka ah, dagaalladaas ayaa dhaliyay dhimasho, dhaawac & burbur hanti halka ay ku barakaceen kumanaan ruux.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…