Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ku magac dheeraa Sandhiiqo kana mid ah saraakiisha da’da yar ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku dhintay Qarax la sheegay in uu noociisu ahaa Miino oo ku haleelay Deegaanka Nambar 50 Gobolka Shabeelaha Hoose, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Sarkaalkaan waxaa uu kamid ahaa Dhallinyaro ku tababaray Xerada TURKSOM ee Magaalada Muqdisho, wararka ayaa sheegaya in miinadu haleeshay isaga oo dhaawac kasoo gaaray muddo kooban kaddib u dhintay sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxa uu qayb ka ahaa howlgallada lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta Afgooye iyo Marka, waxa uu kulamo kala duwan la qaatay ciidanka Federaalka, kuwo deegaanka ah iyo askarta Midowga Afrika ee AUSSOM si amniga loo xoojiyo.
Weli ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo lagu faahfaahiyay qaraxa sarkaalkaan uu ku dhintay, waxaa dhinaca kale socda howlgallo ay wadaan ciidamada Dowladda ee ka dhow aagga Nambar 50.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…