Deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Maxaa-Siciid & Qaahira waxaa saakay ku dagaalamay ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ah iyo ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Qaar kamid ah Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah ayaa sheegay in ay saddex jeer iska caabbin xooggan kala hortageen ‘AS’ iyaga oo ugu danbayn dib uga baxay deegaannada qaarkood oo weli xabaduhu ka dhacayaan.
Waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in ay gacansiiyaan isla markaana u dirto ciidamo xoojiya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ah si ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda sida ay hadalka u dhigeen.
Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa ka socda abaabul iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah oo dhinac ah iyo ‘AS’ oo halkaas xooggooda isugu geysay.
Waxaa dhinac socda duqaymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin ‘AS’ sida ay ku warrameen ilo kala duwan, deegaannadaan waxaa saamayn taban ku reebay xiisaddaan oo maalmahaan ka taagan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…