GUDAHA/wararka

Sanad guurada 79aad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.

20 December sanad waliba maanta oo kale ayaa loo dabaal dagaa xuska maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan maanta 79 sano guurada ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Booliska oo ku beegneyd December 20, 1943-dii.

Sida ku xusan Sooyaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.

Maxamed Abshir ayaa noqday Shaqsigii ugu horreeyay ee Madax u noqda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka gadaal markii Ra’iisul Wasaarihii Xukuumaddii daakhiliyad Cabdullaahi Ciise Maxamuud uu ka dhigay 1958-kii.

Madaxweynhihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Baree oo xukun dalka qabsaday 21 October 1969-kii ayaa maalin u gaar ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u sameeyay isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu maalinta booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

10 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

15 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

18 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

20 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

20 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

20 hours ago