GUDAHA/wararka

Sacuudiga oo Geella Dalkiisa siinaya Baasaboor!

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay baasaboor Ku siinayso Geella dalkaas ku nool oo kordhay sanadihii lasoo dhaafay iyada oo lagu qiyaasay in uu kor u dhaafayo in ka badan 2.3 Milyan oo Neef.

Waxaa la baariyay muuqaallo uu kasoo muuqday Baasaboor Cagaaran oo leh Calanka Dalkaas oo Geel midabkiisu dahabi yahay ku sawirran, waxaana loogu talagalay in loo jaro Geel weliba oo ku nool Boqortooyada Sacuudiga sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Deegaanka, Biyaha & Beeraha Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Baasaboorkaan uu fududaynayo in durba la ogaado Geella u diiwaangashan Dowladda ee sharciyaysan sidoo kale la xaqiijin karo tirakoobka guud.

Bixinta Dukumiintiga Baasaboorka ayaa lagu sheegay in dhan weliba laga hubinayo sida xogta Geella, waqtiga uu dhashay, Jinsiga, Midabka, Magaca reerka dhaqda ay u bixiyeen, goobta lagu bixiyay Baasaboorka iyo sawir laga qaadayo labada dhinac ee Geella.

Sida ay warrisay Arab News, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xoogga saartay in ay muujiso awooddeeda dhinaca dhaqashada Geella, waxa ay ka heshaa dhaqaale badan oo lagu qiyaasay in sannadkii ay xarayso in ka badan 2 Bilyan oo Riyaal oo u dhiganta $533,512,878.

Sacuudiga Waxa uu tartamo u qabtaa Geella iyada oo billado qaalli ah la guddoonsiiyo, waxa ay dhiirragelisay in Dadka leh ay si wanaagsan u dhaqdaan sida lagu muujiyay Warbixinno kala duwan oo Warbaahintu ka diyaarisay arrintaan.

Dalalka Carabta ee Geella dhaqda waxaa kaalinta Koowaad ku jirta Soomaaliya, waxaa ku xira Sacuudi Carabiya, Muritaaniya, Sacuudi Carabiya & Yemen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

8 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

11 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

13 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

16 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

18 hours ago