GUDAHA/wararka

Sacuudiga oo diyaariyay goobaha lagu tukanayo Salaadda Ciidda

Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarisay 19,000 Masaajid iyo goobo barxado ah oo lagu tukanayo salaadda Ciidda subaxa koowaad ee bisha shawaal 1446 Hijriya.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in goobahaas ay kala yihiin 15,948 Masjid iyo 3,939 Goobo furan oo ay hoos galayaan Garoomada Kubadda Cagta, Goobaha la dhigto Gawaarida iyo meelaha kale ee barxadaha waa weyn ah.

Dowladaha Hoose ee Magaalooyinka, Degmooyinka iyo Tuulooyinka ayaa la faray in ay diyaariyaan goobaha la tilmaamay ee magacyadooda kusoo baxay liiska Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya shaacisay.

Howlwadeennada la geeyay goobaha lagu tukanayo salaadda ciidda ayaa loo dhammeystiray qalabkooda iyo waxyaabaha kale ay u baahan yihiin, sidaas awgeed waxaa diiradda la saaray nadaafadda, gargaarka degdega ah iyo adeegyo kale oo aan laga maarmin.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caawa ku dhawaaqeysa go’aanka la xiriira in berri ay noqoneyso Maalinta koowaad ee soon-fur (Shawaal) iyo in la dhammeystirayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maanta 29 ah.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

19 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

39 mins ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

2 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

3 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago