GUDAHA/wararka

RW Xamsa oo sheegay in aanay Soomaali aqbali doonin damaca gurracan ee Israa’iil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ay kahor tagayaan wax weliba oo ay damacsan tahay Israa’iil sida in ay saldhigyo ka dhigato Deegaannada Maamulka Somaliland.

Xamsa ayaa tilmaamay in hannaan weliba oo sharci ah ay u marayaan sidii ay u hor istaagi lahaayeen isku dayada kala duwan ee Israa’iil ay ku raadineyso in ay Saldhig ka samaysato qayb kamid ah Soomaaliya si ay uga adeegsato dagaallada ay doonayso in ay gasho.

Waxa uu bogaadiyay Dalalka kala duwan ee Caalamka ee sida geesinimada ku dheehan tahay ku garab istaagay Soomaaliya, Xamsa ayaa intaas ku daray in aanay marnaba Soomaalida xadgudub dhuleed samayn balse haddii lagu gardaroodo ay ka dhiidhiyaan.

“Mowqifka Soomaaliya wuu cad yahay, waa ilaalinta midnimada dadeed & wadajirka dhuleed, dabcan waxa ay Israa’iil rabtaa in ay saldhig ka dhigato Gobollada Waqooyi iyada oo rabto in ay maamusho dhaqdhaqaaqa Badda iyo marin biyoodka Baabul mandab balse kama yeelli doonno, Soomaalidu waa ay u mideysan yihiin diidmada arrintaan” ayuu yiri R’’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Waxa uu soo jeediyay in la xoojiyo ka dhiidhinta xadgudubka Israa’iil ay kula dhaqaaqayso Soomaaliya maadaama ay meel iska dhigtay shuruucda Caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuduudaha, midnimada & wadajirka dhuleed ee dalalka kala duwan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Saraakiil sare oo gaarey furimaha hore DG Koofur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda…

17 hours ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo deeq waxbarasho u ballanqaaday ardayda Galmudug

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa deeq waxbarasho oo heerka koowaad ee jaamacadda ah (Bachelor’s Degree)…

19 hours ago

DFS oo dib u dayactir ku sameynaysa Buundada Baardheere

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay dib u…

20 hours ago

Trump oo ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku faanay in uu kor usoo qaaday codadka uu haysto…

24 hours ago

DFS oo Xog cusub kasoo saartay Shidaalka laga qodayo Xeebaha Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayso shaqada qodista Shidaalka Dalka ee…

1 day ago

Ciidamada DF oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Koofur Galbeed

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Maamulka Koofur…

1 day ago