GUDAHA/wararka

RW UK oo rajo xumo ka muujiyay in lasii daayo Maxaabiista Israa’iil laga hayo

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa rajo xumo ka muujiyay in lasii daayo Maxaabiista Xamaas ay ka heysato Israa’iil kaddib markii dhiggiisa Benjamin Netanyahu uu qaaday tallaabo sii fogeyneysa xaaladda taagan.

Keir ayaa sheegay in tallaabooyinka uu sameynayo Netanyahu sida colaadda ka dhanka ah Gaza ay yihiin kuwo aan wax fiican soo kordhineyn marka laga reebo in la heystayaasha gacanta Xamaas ku jira oo xaaladda kusii adkaan doonto.

Meel fog ayuu ka istaagay go’aanka Wasiirrada Dagaalka Israa’iil xalay ay ku ansixiyeen qorshaha cusub ee Netanyahu ee ah in duullaan horleh oo guud ahaan Magaalada Gaza ay ku qabsanayaan in ay qaadaan sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalkaas ayuu ku tilmaamay mid aan si ka fiirsi ah loo qaadin, “Tallaabadan waxba kama tari doonto soo afjarida khilaafkan isla markaana gacan kama geysan doonto sii deynta la haystayaasha, waxay horseedi doonta oo keliya dhiig hor leh oo daata.” ayuu yiri RW UK Sir Keir Starmer.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Maalin walba dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza waa ka sii daraysaa, la haystayaashii ay Xamaas qafaasheenna waxaay wajahayaan xaalado aad u xun oo bini’aadantinimada ka baxsan, “Waxa loo baahanahay waa xabbad-joojin, in la xoojiyo gargaarka bini’aadantinimo, siideynta dhammaan la haystayaasha Xamaas iyo in xal laga gaaro dagaalka ayuu intaas raaciyay”.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

7 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

8 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

9 hours ago