Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilka qaaday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS, Xildhibaan Yuusuf Maxamed.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilkaasi loo magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibrow.
“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Prof Saalim Caliyow kula dardaarmay inuu dardar galiyo howlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…