GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo si adag uga hadlay dhacdadii Saldhiga Warta Nabadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulanka toddobaadlaha maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo uga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhacdadii ka dhacday bannaanka Saldhiga degmada Warta Nabadda.

Shirka Golaha ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo kulanka guddoomiyay ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid u eg Afgambi dalka ka badbaaday.

Shirka Golaha ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Falkii shalay lagu weeraray saldhigga booliiska wuxuu xambaarsanaa farriin ah in Muqdisho aanay u qalmin horumar iyo xasillooni; waxaana lagu diidanaa in muwaadiniinta loo celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Khawaarijta. Hay’adaha amniga waxaan farayaa in ay sugaan ammaanka muwaadiniinta, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa amray in ciidanka Amniga ay ka hortagaan hubka sharci darrada ah, si looga fogaado dambiyada iyo wax kasta oo dhaawacaya Amniga.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

2 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

4 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

4 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

5 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

19 hours ago