GUDAHA/wararka

Ku simaha Madaxweynaha oo ka digay dhaqdhaqaaqyada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray saldhigga degmada Wartanabada, halkaas oo shalay ay is-rasaaseyn ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir iyo xubno mucaarad ah.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay dhacdada mid laga xumaado, isaga oo ku baaqay in cidda masuul ka ah falkii shalay dhacay ay qaadato mas’uuliyadda.

Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii ka dhacday suuqa Siinaay, halkaas oo ciidamo boolis ah lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen dad rayid ah.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ugu baaqay inay adkeeyaan sugidda amniga caasimadda, si looga hortago falal carqaladeeya xasilloonida iyo amniga bulshada.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ayaa isagoo ka hadlaya xaaladda saldhigga Wartanabada yiri “Xabadaha aan saldhiga ku arkay xitaa waa ka weyn yihiin kuwii dagaallada sokeeye, waan ka xumahay.”

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara hurin colaadeed “Waxaan ka digayaa abaabulka socda iyo in shacabka lagu dhiirigaliyo dhibaato kale oo dhacda, waan ka xumahay taasi”

Mustaqbal


 

 


 

 

MM Staff

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

21 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

5 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago